✓ Mining = Qodosho
✓ Pool = Barkad
Waa “Qodoshada Wada Jirka ah”
Qeexid: Waa Maxay “Mining Pool”?
Erayga “Mining” ayaa u taagan qodosho, halka “Pool” uu u taagan yahay barkad, hasa yeeshee micno ahaan loola jeedo, in si wada jir ah wax loo qoto.
Mining Pool: Waa in ay koox midoobaan, oo ay isku darsadaan awoodaha kumbiyuutarkooda, si ay u kordhiyaan fursadda helitaanka abaalgudka (Block Reward).
Bitcoin markii la joogo, in la helo abaalgudka ama Block Reward-ka waa wax aad iyo aad iyo aad u adag, gaar ahaan hadii si kali-kali ah loo qodanayo, waxaana ka jira tartan xoogan, oo marba marka ka sii danbaysa sii xoogaysanaya, waxaana suuragal ah, amaba ay u badan tahay in ay qaadato sanado dhowr ah si loo helo abaalgudka ama waxa ay dhahaan Block Reward-ka.
Aynu xisaab ahaan u xaqiijino, anagoo adeegsanayna xeerarkan:
- Haatan Hash Rate-ka guud ee Bitcoin waa 878 EH/s (goorta la diiwaan galiyay waa 10/Jun/2025)
- Aynu ka soo qaadno inaad haysato qalab awoodiisu tahay 2 PH/s
- Celcelis inta block ee la qodo maalintii waa 144 Block
- Celcelis inta block ee la qodo sanadkii waa 52,560 Block
Hal-beegyada Hash Rate-ka:
- 1 KH/s (Kilohash) waa 1,000 H/s (Hash Per Second).
- 1 MH/s (Megahash) waa 1,000,000 H/s (Hash Per Second).
- 1 GH/s (Gigahash) waa 1,000,000,000 H/s (Hash Per Second).
- 1 TH/s (Terahash) waa 1,000,000,000,000 H/s (Hash Per Second).
- 1 PH/s (Petahash) waa 1,000,000,000,000,000 H/s (Hash Per Second).
- 1 EH/s (Exahash) waa 1,000,000,000,000,000,000 H/s (Hash Per Second).
Bitcoin-na waxay maraysaa “Exahash” (EH/s), wakhti xaadirkanna waa 878 EH/s.
Haddaba aynu PH/s iyo EH/s u bedelno TH/s, si ay xisaabta noogu fududaato:
- 2 PH/s = 2,000 TH/s
- 878 EH/s = 878,000,000 TH/s
2,000 TH/s (oo ah awoodda qalabkaaga) ÷ 878,000,000 TH/s (oo ah awoodda guud ee Bitcoin) = 0.000002278 TH/s (ama 2.278×10−6)
1 (oo ah waxa aad raadinayso ee ah 1 Block Reward) ÷ 0.000002278 TH/s (Natiijadii hore ee noo soo baxday) × 52,560 (oo ah celcelis inta block ee la qodo sanadkii) ≈ 8 sano iyo dhii-dhii
Taas micnaheedu waa in fursadda helitaanka hal block ay u dhiganto sugitaanka 8 sano, waliba anagoo adeegsanaynay qalabkii wakhti xaadirkaa ugu awoodda weynaa.
Hadii qalabka aad haysato awoodiisu tahay 2 PH/s (Waa qalaba wakhti xaadirkan ugu awoodda badan – goortu waa 10/Jun/2025), awoodda guud ee Bitcoin-nna tahay 878 EH/s, si aad hal Block ugu guulaysato waxaad u baahan tahay 8 sano.
Waxa aynu ka hadlaynaa waa celcelis ee ma ahan wax go’an, waxaana suuragal ah in todobaadyo ama bilo gudaheed lagu helo abaalgudka, hasa yeeshee xisaab ahaan waxay qaadanaysaa sanado dhowr ah.
Haatan celcelis ahaan qalabada wakhti xaadirkan la adeegsado waa kuwo u dhaxeeya 100 TH/s ilaa 500 TH/s, hadii aad haysato qalab awoodisu tahay 100 TH/s in aad hal Block ku guulaysato waxay celcelis ahaan qaadanaysaa wax ka badan 160 sano.
Midna xasuusnaada, Bitcoin marba marka ka danbaysa wuu sii kordhaa Hashrate-keedu, waliba ku dhawaad si maalinle ah.
Ma malaysan kartiin?
Habkan ama qaabkan ah in si kali-kali ah loo qoto waxaa la yidhaahdaa “Solo Mining“, waana in si kali-kali ah ama si shakhsi-shakhsi loo qoto Bitcoin, halkii si wada jir ah loo qodan lahaa, abaalgudkana loo qaybsan lahaa.
Sababtaas awgeed waa tan keensatay in si koox-koox ah loo qotto, oo la isku biirsado awoodaha, si loo kordhiyo fursadda helitaanka abaalgudka.
Qodashada wada jirka ah, ama Mining Pool-ka dhibkan ayay xallinaysaa, waxaana la isku gaynayaa awoodaha kubmiyuutadada ama agabyada lagu talo galay in lagu qodo, halkaas oo la kordhinayo fursadda helitaanka abaalgudka.
Markii la isku darsado awoodaha, fursadda helitaanka Block Reward-ka aad iyo aad bay u kordhaysaa, mar allaale markii ay badato awoodaha is biirsanaya, waa mar kasta oo ay sii kordhayso fursadda helitaanka abaalgudka, halkaas oo ay ugu danbayntii si wada jir ah u qaybsan doonaan abaalgudka.
Si fudud, Mining Pool-ku waa koox Miners ah oo isku darsaday awoodda kumbuyuutarkooda (hash power) si ay u kordhiyaan fursadooda ah heletaanka abaalgudka, isla mar ahaantaana ay u qaybsadaan una wadaagaan abaalgudka.
Hadii uu Pool ku guulaysto abaalgudka, waxaa abaalgudka loo qaybinayaa dhammaan xubnaha ka tirsan Pool-ka ama barkadda, hasa yeeshee si aan sinnayn, iyadoo loo eegayo cid waliba awooddeeda iyo wax-qabadkeeda.
Fikradda Mining Pools-ka waxay ka soo bilaabatay 2010-kii, kadib markii tartanka qodista Bitcoin ay marba marka ka danbaysay sii adkaanaysay, halkaas oo la sameeyay Pool-kii ugu horreeyay ee “Slush Pool“.
Waxayna fikradu ka dhalatay kadib markii ay Miners-yo yaryari is-bahaysteen, si ay ula tartamaan, ugana hor yimaadaan shirkadaha waa-weyn ee haysta qalabada awoodda badan.
Si kooban, Mining Pool-ku waa hab is bahaysi, halkaas oo awoodaha kumbiyuutarada lagu midaysiinayo, si loo kordhiyo fursadda helitaanka abaalgudka ama Block Reward-ka.