✓ Mining = Qodosho
✓ Farm = Beer
Waa “Beerta Qodoshada”
Qeexid: Waa Maxay “Mining Farm”?
Erayga “Mining” ayaa u taagan qodosho, halka “Farm” ay u taagan yahay beer, taasoo loo la jeedo beerta qodoshada.
Mining Farm: Waa warshad ama xaruun jidhitaan dhab ah leh (Physical), oo leh tiro badan oo qalabyo ah oo wax lagu qotto.
Mining Farm-ku ama beerta qodoshada waa qol, bakhaar, warshad, xaruun, amaba meel loogu talo galay in wax lagu qotto, ha ahaato Bitcoin, ama lacagaha kale ee la qodan karo, maxaa yeelay lacag kasta oo dadan ama Coin kasta lama qodan karo.
Si la mid ah sida beerta loogu beero dalag, dhismayaashan ama warshadahan waxaa lagu beeraa Blocks-yo, halkaas ayayna ka magac baxday “Mining Farm“.
Waana beer loo naqshadeeyay wax qodis, waxayna noqon kartaa gaadhi galeenka, ama qol, amaba meel loo dhisay si wax loogu qodo darteed, kuwaasoo leh korontodii, qaboojiyayaashii, iyo cidii dayac-tiraysay, misna hubinaysay in ay wax waliba sidoodii yihiin.
Badanaa beerta waxaa laga dhisaa meel ama goob ama wadan ay korontadiisu jaban tahay, cimiladiisuna dhexdhexaad tahay, amaba qabow-dabiici tahay, sidoo kale siyaasad ahaanna xassiloon tahay, sharci ahaanna la ogol yahay.
Fikradda “Mining Farm” waxay ka dhalatay kadib markii la ogaaday in hal kumbiyuutar ama hal qalab oo kaliya uusan ku filnayn qodidda Bitcoin, ee loo baahan yahay qalabo badan, si loo kordhiyo faa’idada.
Waxaana la bilaabay in qalabo badan la iskugu keeno hal meel, si ay awood badan u yeeshaan, una kordhiyaan fursadda helitaanka Block Reward-ka, ilaa ugu danbayntii meeshaas la magac baxday “Mining Farm“.
Halkan farqi yar aynu baraarujino, “Mining Farm” lamid ma ahan “Mining Pool“, maxaa yeelay Mining Farm-ku waa xaruun jidhitaan dhab ah leh, waxaana beertaas ama warshadaas leh hal qof ama hal shirkad, ama hal qolo, faa’idaduna waa mid ku kooban qolodaas.
Halka Mining Pool-ku uu yahay Pool ama barkad, ama is-bahaysi lagu midaysiinayo kumbiyuutarada awoodoooda, kaasoo aan lahayn xaruun la booqan karo, waxaana ku midaysan dadyaw kala duwan, oo si online ah iskugu xidhiidhsan, mid walibana uu qalabkiisa gaarka ah sitto, faa’idaduna waa mid u qaybsami doonta dhammaan xubnaha ka tirsan Pool-ka, hasa yeeshee si aan sinnayn, iyadoo loo eegayo cid waliba awooddeeda iyo wax-qabadkeeda.
Si kale hadii aynu u dhigno:
- Mining Farm: Waa warshad ama xaruun leh qalabo badan, oo hal shakhsti ama hal qolo leh, oo si toos ah u qodota Bitcoin
- Mining Pool: Waa koox dad ah oo midoobay, si ay Hash Rate-kooda ama awooda kumbiyuutarkooda u mideeyaan, si ay u qottaan Bitcoin, una wada wadaagaan faa’idada soo baxda
Mining Farm-yadu waa dhismayaal loo dhisay, loona gaar yeelay kaliya qodidda Bitcoin, ama Coin kasta oo u nugul in la qotto, iyadoo loo dhamaystirayo dhammaan baahiyihii iyo salkii ay u baahnaayeen, sida korontada, qaboojiyaha, iyo hanaan-maamul oo isku xidhan, si ay beertu si joogto ah u shaqayso.
Waxaana ka shaqeeya boqolaal iyo kumanaan qalab oo loogu talo galay qodidda Bitcoin, ama Coin kasta oo u nugul in la qotto, waana dhisme markii horeba loo diyaariyay, laguna tala galay kaliya wax qodidd.
Si kooban, Mining Farm waa beer ay ka shaqeeyaan qalabyo loo adeegsado in lagu qotto Bitcoin ama Coin-nada u nugul in la qotto.