✓ Halving = Kala-badhid/Haafid
Waa “In La Kala Badho Abaalmarintii Ka Dhalan Jirtay Markii Block La Dhamaystiro”
Qeexid: Waa Maxay “Halving”?
Ereyga “Halving” wuxuu markiisa hore ka yimid “Half“, taasoo ah “Haaf“, “Badh“, ama “Kala Badh“.
Halving: Waa in muddaba markii la joogo, 50% ama kala-badh-oo-badh hoos loo dhigo abaalmarinta ay heli jireen Miners-yadu.
Miners-yaduna waa qolada xaqiijisa is-dhaafsiyada iyo lacag-dirisyada dhacaya, iyadoo lagu abaalmariyo qaddar go’an, oo cayyiman.
Qaddarkaas ayaana la kala badhaa kadib markii tiro go’an oo Block-yo ah la qodo, oo la dhamaystiro, oo lagu soo daro Blockchain-ka, waana wixii la odhan jiray “Block Reward“.
Block Reward-kuna: Waa abaalgudkii ka dhalanayay kadib markii la dhamaystiro Block cusub oo lagu soo daro shabakadda Blockchain.
Tusaale ahaan, Bitcoin 210,000 kasta oo Block kadib buu dhacaa halving-ku.
Halving-kan ayaa celcelis ahaan ku beegma 4-tii sanaba mar.
- Bilawgii (2009 – 2012): Block reward-ku wuxuu ahaa 50 BTC.
- Halving-kii 1-aad (2012 – 2016): Block reward-ku wuxuu ahaa 25 BTC.
- Halving-kii 2-aad (2016 – 2020): Block reward-ku wuxuu ahaa 12.5 BTC.
- Halving-kii 3-aad (2020 – 2024): Block reward-ku wuxuu ahaa 6.25 BTC.
- Halving-kii 4-aad (2024 – …….): Block reward-ku wuxuu noqday 3.125 BTC.
Si kooban, Halving-ku waa hab ama hannaan lagu dhimayo abaalgudka ay heli jireen qoladii ansaxiyayaasha ahayd, ee la odhan jiray Miners.
Halkan ka soo bogo faahfaahin aad iyo aad u dheeri ah: https://21m.cryptoyahan.com/