FUD = Fear, Uncertainty & Doubt
✓ F = Fear = Cabsi
✓ U = Uncertainty = Hubnanti La’aan
✓ D = Doubt = Shaki
Waa “In La Faafiyo War Aan Sal Iyo Raad Toona Lahayn, Si Dadka Loogu Abuuro Cabsi, Hubanti La’aan Iyo Shaki”
Qeexid: Waa Maxay “FUD”?
“FUD” oo laga soo gaabiyo “Fear, Uncertainty, Doubt“, ayaa ah in la faafiyo war aan sugnayn, si dadka cabsi iyo walaac loogu beero.
FUD-ga ayaa ujeedkiisa ugu weyni tahay in la faafiyo war aan sugnayn, si cabsi loo abuuro, suuqiina loogu ciyaaro, kadibna qiimo hoose loogu soo galo.
TS, dawlad hebel baa damacsan in ay Bitcoin mamnuucdo gabi ahaanteed (in kastoo si buuxda loo mamnuuci karin), ama baanka dhexe ayaa qorsheenaya inuu soo saaro weergto sheegaysa in…, iwm.
Farqiga “Hubanti La’aantu” iyo “Shakiga” u dhaxeeya ayaa ah, in hubanti la’aantu tahay xaalad gaabis ah, oo la xidhiidha xog la’aan, halka shakigu yahay in su’aalo la galiyo xogtii aad hore u haysatay, lagaana shakisiiyo.
FUD-gu miyaanu la mid ahayn digniinta? – MAYA.
FUD-ga ayaa ujeedkiisa ugu weyni tahay in la faafiyo war aan sugnayn, si cabsi loo abuuro, suuqiina loogu ciyaaro, kadibna qiimo hoose loogu soo galo, halka digniintu tahay warar xaqiiqo ah, ama ugu yaraan xaqiiqda u dhaw.
Si kooban, FUD waa in la faafiyo warar been-abuur u badan, si dadkii maalgashadayaasha ahaa cabsi loogu beero, oo ay dabeeto u iibiyaan hantidoodii.