FOMO = Fear Of Missing Out
✓ Fear = Cabsi
✓ Of = Ee
✓ Missing = Waayid/Lumin
✓ Out = La’aan
Waa “Cabsida Ah Inaad Wax Waydo, Ama Lumiso Fursad”
Qeexid: Waa Maxay “FOMO”?
“FOMO” oo laga soo gaabiyo “Fear Of Missing Out“, oo ah “Cabsida Laga Qabo In La Seego Fursad“, ayaa ah dareen cabsi oo uu qofku ka qabo in uu waayo wax.
FOMO: Waa dareen ah in uu qofku wax luminayo, ama ay seegayaan fursado waa-weyn, isagoo is-moodsiinaya in ay wax badani dhaafi doonaan, hadii uusan wax tillaabo ah qaadin.
FOMO-gu kaliya kuma koobna go’aan qaadashada la xidhiidha Crypto-da, ee waa guud ahaan nolosheena.
Qofka uu FOMO-gu hayo, waxaa suuragal ah inuu go’aan qaadasho degdeg leh la yimaado, kaasoo ku danbayn kara faa’ido ama khasaaro.
TS, marka qiimaha Bitcoin uu si xoogan kor ugu kaco, dad badan ayaa shallaaya, oo dhaha “Bal hadaynu ka faa’idaysan lahayn kawarama“, iyagoo dareema FOMO, si aysan mar kale u seegin fursad labaad.
Si kooban, FOMO waa dareen dabiici ah markii si loo eego, kaasoo ah walwalka laga qabo in la seego fursad.