Exchange:

Qeexid: Waa Maxay “Exchange”?

Erayga “Exchange” ayaa isugu jira labo eray, oo kala ah “Ex“, oo loola jeedo wax laga tagay, ama laga guuray, iyo “Change” oo ah bedelid, ama u guurid.

Waana in wax laga soo guuro, wax kalena loo guuro.

Exchange: Waa goob suuragalinaysa in hantidii la iibsado, la iska iibiyo, la kaydsado, iyo in hantidii hanti kale lagu bedesho.

Sidoo kale waa goob kulminaysa iibsadayaasha iyo iibiyayaashaba, si ay is-dhaafsi u sameeyaan, waana goob badanaa bixisa hufnaan, dareere (liquidity) sare, iyo deegaan habaysan.

Exchanges-yadu waxay qabtaan shaqooyin dhowr ah, oo kala duwan, gaar ahaan markii la joogo lacagaha dadan ee cryptocurrency.

Shaqooyinka ugu muhiimsan ee ay qabtaanna waxaa ka mid ah:

  1. In wax laga dhex iibsado (TS: in lacag cadaan ah Bitcoin lagu iibsado)
  2. In wax lagu dhex iibiyo (TS: in Bitcoin la iibiyo, oo lacag cadaan ah la helo)
  3. In wax lagu dhex kaydsado (TS: in Bitcoin lagu dhex kaydsado)
  4. In labo wax la isku dhex waydaarsado (TS: in Bitcoin loo bedelo coin kale)

 

Iyo qaar kale, hasa yeeshee intani waa inta ugu badan ee ay exchanges-yadu badankood ka wada siman yihiin, waxaana jira labo qaybood oo waa-weyn oo loo qaybiyo exchanges-yada, kuwaas oo kala ah:

1. Centralized Exchange (CEX): oo ah “Is-dhaafsiga Xaruunta Dhexe Leh“, waana is-dhaafsi ama exchange xaruun dhexe leh, sida:

  • Binance
  • Coinbase
  • OKX
  • Bybit
  • Kraken
  • KuCoin
  • Bitget

 

2. Decentralized Exchange (DEX): oo ah “Is-dhaafsiga Madaxa-banaan“, waana is-dhaafsi ama exchange aan lahayn xaruun dhexe, oo si iskii ah u madax-bannaan sida:

  • Uniswap
  • Raydium
  • PancakeSwap
  • SushiSwap
  • Orca
  • Meteora
  • THORChain

 

Sidoo kale, waxaa jira qayb saddexaad oo kale, oo la yidhaahdo “Hybrid Exchange” oo ah “Is-dhaafsiga Isku Dhafan“, kaasoo isku dhafaya 2-dii hore ee CEX iyo DEX.

Si guud, Exchange-gu waa goob ama hanaan suuragalinaya in wax la is-dhaafsado, ama wax la is-waydaarsado.

Ku deeq Bitcoin

Ku deeq hagan ama qaamuuskan wixii aad awoodo, si loogu hormariyo, isla mar ahaantaana uu muddo badan u sii jiro.

bitcoin ereyo-crypto-yahan

1FadvD3xfKjnphamTHe9Tpfc7SyyNvjFzb

Xasuusin
& Baraarujin

Hagahan ku dhawaad 40 erey ayaa wakhti xaadirkan ku jira, bil kastana ilaa tobaneeyo erey baynu ku soo biirinaynaa, ilaa ugu danbayntii koobsano dhammaan erey-bixinada Crypto-da.

Hadii ay tahay markii ugu horraysay ee aad soo booqatay hagahan, waxaan kugu baraarujin lahayn in hagahani uu yahay mid il furan (Open Source).

Waxaana si madax-bannan loogu adeegsan karaa ganacsi ahaan iyo wax-barasho ahaanba (Educational), hadii aydu rabtaan faahfaahin intaa ka dheeri ah booqda bogga "Xog & Xeer".

Hadiise kalena gujin badhankan kuu muuqda ee "Xidh (Close)".