DYOR = Do Your Own Research
✓ Do = Samee
✓ Your = Adiga
✓ Own = Kuu Gaaarka Ah
✓ Research = Baaritaan
Waa “Samee Baadhitaankaaga Kuu Gaarka Ah”
Qeexid: Waa Maxay “DYOR”?
“DYOR” oo laga soo gaabiyo “Do Your Own Research“, oo micnaheedu yahay “Samayso Baadhitaankaaga Kuu Gaarka Ah“, ayaa loola jeedaa in si gaar ah loo samaysto baadhitaan iyo cilmi-baadhis soocan.
Weedhan ayaa badanaa la adeegsadaa markii la soo jeedinayo talo maalgashi, ama si guud markii laga hadlayo dhaqaalaha, iyadoo tilmaamaysa in uu qof kasta mas’uul ka yahay maalgashigiisa, iyo si guud go’aamadiisa dhaqaaleed.
Waxaynu odhan karnaa waa “AFEEF“, laga afeefanayo talooyinka maaliyadeed ee la bixinayo, si aan mas’uul looga noqonin wixii taladaa ka dhasha, hadii sida lagu taliyay ay noqon waydo.
Maxaa yeelay qofka talada bixinaya la mid ma ahan qofka qaadanaya, waxaana laga yaabaa inaysan isku deegaan ahayn, isku duruuf ahayn, isku fursado ahayn, isku caqabado ahayn, isku…
Sidaa darteed, waa in aad si gaar ah u samaysataa baadhitaan ku habboon danahaaga iyo duruufahaaga gaarka ah.
Crypto markii la joogo, beenta iyo Scam-ku aad buu u badan yahay, waxaana marar badan la maqlaa: “Coin hebel baa cirka gali doona“, ama “Coin hebel waa mid la isku arkay“, iyo weedho kale oo badan, oo dhiirigalin iyo xammaasad watta.
Badankoodna waa wax aan waxba ka jirin, sidaa darteed, si aanad ugu kadsoomin hadalada dadka, samayso baadhitaan adiga kuu gaar ah, oo akhriso Whitepaper-ka mashruuca aad rabto inaad maalgashato, wax ka ogow qolada ka danbaysa mashruuca, hubi dhinacyadiisa kala duwan sida sharci ahaan, xukun ahaan, ma xaaraan baa mise waa xalaal, falanqee oo odoros suuqa.
Samayso DYOR-kaaga gaarka ah, hana noqon qof si indha la’ u qaata hadalada dadka, go’aamadaaduna waa mid %100 aad adigu kaliya ka mas’uul tahay.
Si kooban, DYOR waa in baadhitaan gaar ah la samaysto.