✓ Block = Sanduuq/Box
✓ Reward = Abaalmarin/Abaalgud
Waa “Abaalgudka Block-ga”
Qeexid: Waa Maxay “Block Reward”?
Ereyga “Block” wuxuu u taagan yahay Box ama khaanad ama sanduuq, halka “Reward” uu u taagan yahay abaalgud ama abaalmarin.
Block Reward: Waa abaalgudkii ka dhalanayay kadib markii la dhamaystiro Block cusub, oo lagu soo daro shabakadda Blockchain.
Ugu horrayn, waa maxay Block?
Block: Waa khaanad ama Box xog sidda, kaasoo sida xogta wax kala iibsiga, wakhtiga ay dhacday, iyo tix-raaca Block-gii ka horreeyay, waana sanduuq ama Box ay ku jiraan wax kala iibsiyo (Transactions) dhowr ah.
Hadii aynu si kale u dhigno, waa Box ama Block lagu diiwaan galiyo Transactions-no dhowr ah, kadibna la xidho (Lock), kadibna lagu lifaaqo ama lagu xidhiidhiyo Block-gii ka horreeyay.
Block-ku waa xogside, kaasoo sida xogta wax kala iibsiga, wakhtiga ay dhacday, iyo tix-raaca Block-kii ka horreeyay.
Waana halka ay ka timaaday ereyga “BLOCKCHAIN”.
Haddaba hadii uu Block-gu yahay xogside, Block Reward-kuna waa abaalgudkii ka dhalanayay markii Block la dhamaystiro oo lagu soo daro shabakadda Blockchain, kaasoo ah diiwaan uruurinaya Block-yada, misna isku xidhxidhaya sidii silsiladda, waana sida uu magaca inteeda kale uu ina tusinayo, “Chain” oo ah silsilad.
Block kasta oo cusub oo lagu soo daro diiwaanka Blockchain, waxaa la curta tiro cusub oo Coin-no ah, oo lagu abaalmarinayo qoladii Block-ga ku soo dartay shabakadda, waana halka ay ka timid “Block Reward“.
Si kooban, Block Reward, waa abaalgud ka dhalanaysa markii la dhamaystiro Block cusub, oo lagu soo daro shabakadda.