Altcoin = Alt + Coin
✓ Alt = Alternative = Bedel Ka Ah/La Mid
✓ Coin = Qadaadiic/Lacag
Waa “Wixii Lamid Ah Ama Bedel Ka Ah Bitcoin”
Qeexid: Waa Maxay “Altcoin”?
Erayga “Altcoin” ayaa isugu jira labo eray oo kala ah “alt” oo laga soo gaabiyo “alternative” oo ah “la mid“, ama “bedel ka ah“, iyo “coin” oo ah qadaadiicdii ama lacagtii.
Eraygan hadii aynu sidiisa u qeexno, waa coin-nada kaliya bitcoin bedel ka ah, ama la mid ah.
Hasa yeeshee sida inta badan loo adeegsado ayaa ah dhammaan coin-nada kale, markii laga reebo “Bitcoin“, iyo mararka qaar markii laga reebo “Ethereum“.
Eraygan ayaa loo adeegsadaa in loogu yeedho dhammaan coin-nada Bitcoin dabadeed soo baxay, iyadoo Bitcoin loo tixgalinayo inay tahay hooyada dhammaan lacagaha dadan ee “cryptocurrency“.
Tan iyo markii ay soo ifbaxday Bitcoin sanadii 2008-dii, 2009-kiina la hirgaliyay, waxaa kasoo daba baxay coins-yo kale oo badan, oo badan.
Qaar ka mid ah coin-nada Bitcoin ka soo daba baxay, waxaa loo curiyay, loona sameeyay qaab bedel ka ah Bitcoin, ama si ciladaha qaar ee Bitcoin haysta wax looga bedelo dartii, waxaana ka mid ah, uguna caansan Bitcoin Cash.
Waana halka ay ka magac baxday “Altcoin”, coin-nada bedelka ka ah Bitcoin.