✓ Block = Sanduuq/Box
Waa “Xogside”
Qeexid: Waa Maxay “Block”?
Block: Waa khaanad ama Box xog sidda, kaasoo sida xogta wax kala iibsiga, wakhtiga ay dhacday, iyo tix-raaca Block-gii ka horreeyay, waana sanduuq ama Box ay ku jiraan wax kala iibsiyo (Transactions) dhowr ah.
Hadii aynu si kale u dhigno, waa Box ama Block lagu diiwaan galiyo Transactions-no dhowr ah, kadibna la xidho (Lock), kadibna lagu lifaaqo ama lagu xidhiidhiyo Block-gii ka horreeyay.
Block-ku waa xogside, kaasoo sida xogta wax kala iibsiga, wakhtiga ay dhacday, iyo tix-raaca Block-kii ka horreeyay.
Si kooban, Block waa sanduuq ama Box sida xogta.
Waana halka ay ka timaaday ereyga “BLOCKCHAIN”.