Halving:

Qeexid: Waa Maxay “Halving”?

Ereyga “Halving” wuxuu markiisa hore ka yimid “Half“, taasoo ah “Haaf“, “Badh“, ama “Kala Badh“.

Halving: Waa in muddaba markii la joogo, 50% ama kala-badh-oo-badh hoos loo dhigo abaalmarinta ay heli jireen Miners-yadu.

Miners-yaduna waa qolada xaqiijisa is-dhaafsiyada iyo lacag-dirisyada dhacaya, iyadoo lagu abaalmariyo qaddar go’an, oo cayyiman.

Qaddarkaas ayaana la kala badhaa kadib markii tiro go’an oo Block-yo ah la qodo, oo la dhamaystiro, oo lagu soo daro Blockchain-ka, waana wixii la odhan jiray “Block Reward“.

Block Reward-kuna: Waa abaalgudkii ka dhalanayay kadib markii la dhamaystiro Block cusub oo lagu soo daro shabakadda Blockchain.

Tusaale ahaan, Bitcoin 210,000 kasta oo Block kadib buu dhacaa halving-ku.

Halving-kan ayaa celcelis ahaan ku beegma 4-tii sanaba mar.

  • Bilawgii (2009 – 2012): Block reward-ku wuxuu ahaa 50 BTC.
  • Halving-kii 1-aad (2012 – 2016): Block reward-ku wuxuu ahaa 25 BTC.
  • Halving-kii 2-aad (2016 – 2020): Block reward-ku wuxuu ahaa 12.5 BTC.
  • Halving-kii 3-aad (2020 – 2024): Block reward-ku wuxuu ahaa 6.25 BTC.
  • Halving-kii 4-aad (2024 – …….): Block reward-ku wuxuu noqday 3.125 BTC.

 

Si kooban, Halving-ku waa hab ama hannaan lagu dhimayo abaalgudka ay heli jireen qoladii ansaxiyayaasha ahayd, ee la odhan jiray Miners.

Halkan ka soo bogo faahfaahin aad iyo aad u dheeri ah: https://21m.cryptoyahan.com/

Ku deeq Bitcoin

Ku deeq hagan ama qaamuuskan wixii aad awoodo, si loogu hormariyo, isla mar ahaantaana uu muddo badan u sii jiro.

bitcoin ereyo-crypto-yahan

1FadvD3xfKjnphamTHe9Tpfc7SyyNvjFzb

Xasuusin
& Baraarujin

Hagahan ku dhawaad 40 erey ayaa wakhti xaadirkan ku jira, bil kastana ilaa tobaneeyo erey baynu ku soo biirinaynaa, ilaa ugu danbayntii koobsano dhammaan erey-bixinada Crypto-da.

Hadii ay tahay markii ugu horraysay ee aad soo booqatay hagahan, waxaan kugu baraarujin lahayn in hagahani uu yahay mid il furan (Open Source).

Waxaana si madax-bannan loogu adeegsan karaa ganacsi ahaan iyo wax-barasho ahaanba (Educational), hadii aydu rabtaan faahfaahin intaa ka dheeri ah booqda bogga "Xog & Xeer".

Hadiise kalena gujin badhankan kuu muuqda ee "Xidh (Close)".