Double Spending:

Qeexid: Waa Maxay “Double Spending”?

Erayga “Double” ayaa u taagan “Labanlaab“, taas oo micnaheedu yahay in wixii la labin-laabo, halka “Spending” uu isagu u taagan yahay “Kharash Garayn“, oo micnaheedu yahay in lacag, wakhti, tamar, ama wax uun la kharash gareeyo, oo la bixiyo.

Double Spending: Waa xaalad uu qofku ku awoodu in isla lacagtii uu labo jeer, meelo kala duwan, ama isla meeshii u adeegsado.

TS, qof ayaa 1 Bitcoin u diraya qof kale, isla qofkii ayaa hadana isla 1-kii Bitcoin u diraya qof kale, oo aan ahayn qofkii hore, isagoo ama wakhtiga dib u celinaya, amaba si toos ah u bedelaya xogtii lacag bixineed, isagoo ka dhigaya in aanuu hore wax Bitcoin ah u dirin, ee ay markan tahay markii ugu horraysay.

Bilawgii hore, “Double Spending“, wuxuu ahaa dhibaato hor taagan lacagaha danabaysan (Digital Money), oo kaliya, iyadoo la awoodi jiray, in isla lacagtii la labo jeer adeegsado.

Maadaama lacagaha danabaysan ama Digital-ka ah ay yihiin lacago qaab xog ahaaneed u jira, waxaa suuragal ah in xogtii wax laga bedelo, oo lacag la diray, laga dhigo in aan la dirin, iyadoo xogta lacag bixinta wax laga bedelayo, sida in wakhtiga dib loo celiyo oo kale, ama si toos ah loo bedelo, amaba la tirtirayo gabi ahaanteedba.

In kastoo haatan aysan fududayn in Double Spending la sameeyo, markii la joogo lacagaha danabaysan, oo xogtii wax laga bed-bedelo, maadaama loo baahan yahay ogolaanshiyo (Permission), iyo mararka qaar ogolaashiyo dhowr ah, oo loo wada dhan yahay (Multi Level Approval).

Hadana lacagaha danabaysan waa ka suuragal in uu ka dhex dhaco Double Spending-ku, sababtoo ah diiwaanka xogta waxay ku kaydsan tahay kayd gaar ah, waxayna leedahay xaruun dhexe, oo laga maamulo.

Sidaa darteed, waa suuragal in uu Double Spending-ku dhaco (haba iska adkaadee), inta uu hanaanku (System) yahay hanaan dhexe, oo saldhig dhexe leh (Centralized).

Hasa yeeshee, markii la joogo lacagaha dadan (Cryptocurrency), way adag tahay in uu dhaco Double Spending-ku, maraka qaarna suuragalba ma aha.

Sababtoo ah, diiwaanka xogta lagu diiwaan galinayo ayaa ah diiwaan daafaha dunida ku fidsan (Decentralized), oo leh nuqulo badan, kaasoo loo yaqaan “Blockchain

Hadii la isku dayana in xogtii wax laga bedelo, waxaa lagu khasbanaanayaa in nuqul kasta oo ka mid ah diiwaanka la bedelo, taasoo u muuqata mid aan sinnaba ku suuroobayn, gaar ahaan hadii ay shabakadu tahay mid si weyn daafaha dunida ugu fidsan, sida shabakadda Bitcoin.

Hasa ahaatee, waxaa jirta xaalad ay suuragal tahay in uu Double Spending-ku dhaco, waana marka u dhaco wax la yidhaahdo “51% Attack“.

51% Attack: Waa in weerar lagu soo qaado Blockchain-ka, iyadoo gacanta lagu dhigayo in ka badan 50% maamulka guud ee shabakadda.

Taasoo weeraryahanada u suuragalinaysa in isla lacagtii labo jeer meelo kala duwan u adeegsadaan, iyagoo diiwaanka xogta wax ka bedelaya, kana dhigaya in aanay hore wax u dirin, maadaama ay gacanta ku hayaan awoodda shabakadda inteeda badan.

Weerarkan ayaa gaysan kara qof ama qolo gaar ah, ama dhowr xubnood oo hal meel ka wada socda, oo isku dayaya in ay gacanta ku dhigaan awoodda shabakada inteeda badan.

Blockchain-nada yar-yar ama kuwa cusubi aad bay ugu nugul yihiin in la soo weeraro, in ka badan inta ay u nugul yihiin Blockchain-nada waa-weyn ee in badan jiray.

Mar kasta oo ay Blockchain-tu tahay mid daafaha dunida ku baahsan, waa mar kasta oo ay adag tahay in la soo weeraro, ama uu dhaco 51% Attack.

Double Spending-ku suuragal ma ahan in uu dhaco, jeer ay Blockchain-tu tahay mid gabi ahaanteedba baahsan (Fully Decentralized), oo aysan cid gaar ah gacanta ku haynin awoodda shabakadda 51% amaba ka badanba, xittaa hadii ay yihiin aasaasayaasha.

Si kooban, Double Spending-ku: Waa in isla lacagti la diri karo, ama la kharash garayn karo wax ka badan hal mar.

Ku deeq Bitcoin

Ku deeq hagan ama qaamuuskan wixii aad awoodo, si loogu hormariyo, isla mar ahaantaana uu muddo badan u sii jiro.

bitcoin ereyo-crypto-yahan

1FadvD3xfKjnphamTHe9Tpfc7SyyNvjFzb

Xasuusin
& Baraarujin

Hagahan ku dhawaad 40 erey ayaa wakhti xaadirkan ku jira, bil kastana ilaa tobaneeyo erey baynu ku soo biirinaynaa, ilaa ugu danbayntii koobsano dhammaan erey-bixinada Crypto-da.

Hadii ay tahay markii ugu horraysay ee aad soo booqatay hagahan, waxaan kugu baraarujin lahayn in hagahani uu yahay mid il furan (Open Source).

Waxaana si madax-bannan loogu adeegsan karaa ganacsi ahaan iyo wax-barasho ahaanba (Educational), hadii aydu rabtaan faahfaahin intaa ka dheeri ah booqda bogga "Xog & Xeer".

Hadiise kalena gujin badhankan kuu muuqda ee "Xidh (Close)".