Immutability = Immutable = Im + Mutable
✓ Im = Aan
✓ Mutable = La Bedeli Karo
Waa “Wax Aan Sinnaba Wax Looga Bedeli Karin”
Qeexid: Waa Maxay “Immutability”?
Ereyga “Immutability” wuxuu u taagan yahay wax aan sidiisaba wax laga bedeli karin, oo la faragashan karin, waana wax aan u nugleen wax ka bedel, hadii uu mar samaysmo.
Immutability: Waa xaalad, hishiis, go’aan, xog, amaba si guud wax aan sinnaba wax looga bedeli karin, mar hadii uu samaysmo.
Immutability-gu waa mid ka mid ah astaamaha ugu waa-weyn ee ay leedahay tignoolajiyadda Blokckchain, oo ah diiwaan daah-furan, oo daafaha dunida ku baahsan.
TS, marka xog, sida lacag diris oo kale lagu diiwaan galiyo Blockchain, waxay xogtaas noqotaa mid “Immutable” ah, taas oo micnaheedu yahay in aan sinnaba wax looga bedeli karin.
Maxaa yeelay tignoolajiyadda Blockchain waa tignoolajiyad daah-furan, oo daafaha dunida ku baahsan, oo diiwaan galisa xogaha, xogahaas oo nuqulo badan leh, cid kastana ay awoodo inay hesho nuqul iyada u gaar ah, oo ka mid ah diiwaankaas.
Hadii la damcana in xogta wax laga bedelo, waxaa lagu khasbanaanayaa in nuqul kasta oo ka mid ah diiwaanka la bedelo, taasoo u muuqata mid aan sinnaba ku suuroobayn, gaar ahaan hadii ay shabakadu tahay shabakad aad u weyn oo baahsan, sida shabakadda Bitcoin.
Waxayna la mid tahay sidii qof buug qoray oo kale, kadibna nuqulo badan ka daabacay, kadibna daafaha dunida u iibgeeyay, dabeeto uu mar danbe ku baraarugay khaladaad uu buugu lahaa, damcayna inuu wax ka bedelo, hasa yeeshee aysan u suuroobin.
Maxaa yeelay, wuxuu qoraagu ku khasban yahay in uu helo nuqul kasta oo ka mid ah isla buuga uu qoray, si uu wax uga bedelo, taasoo u muuqata wax aan suuroobayn, gaar ahaan hadii uu nuqulo badan daabacay, daafaha dunidana u iibgeeyay.
Mar kasta oo ay nuquladu badan yihiin, sidoo kalena ay daafaha dunida ku baahsan yihiin, waa mar kasta oo ay adag tahay in isla buugii wax laga bedelo.
Sidaa si la mid ah, mar kasta oo ay shabakada Blockchain-tu tahay mid daafaha dunida ku baahsan, waa mar kasta oo ay adag tahay in xogta ku jirta wax laga bedelo.
Waana halkan halka ay ka timid “Immutability“, xog aan sinnaba wax looga bedeli karin, mar hadii la diiwaan galiyo.
Haddaba halkan markii la marayo su’aal ayaa dhalanaysa, taasoo ah: “Haddiiba blockchain ay tahay wax immutable ah (xog aan sinnaba wax looga beddeli karin), sidee bay suuragal u tahay “51% Attack” wax li yidhaahdo inuu dhaco?, sidee baysa ku dhici kartaa in xog aan sinnaba wax looga badeli karin, wax laga badelo?“.
Runtii waa su’aal halkeeda taala…
Si kooban, 51% Attack waa in weerar lagu soo qaado Blockchain-ka, iyadoo gacanta lagu dhigaya 51% awoodda guud ee shabakadda.
Taasoo Blockchain ka dhigaysa mid u nugul in wax laga bed-bedelo, ama isku socodkii la hakiyo, ama la sameeyo wax la yidhaahdo “Double Spending“, oo ah in isla lacagtii la-labo jeer diro, maadaama gacanta lagu hayo awoodda shabakadda inteeda badan.
Weerarkan ayaa gaysan kara qof ama qolo gaar ah, ama dhowr xubnood oo hal meel ka wada socda, oo isku dayaya in ay gacanta ku dhigaan awoodda shabakada inteeda badan.
Blockchain-nada yar-yar ama kuwa cusubi aad bay ugu nugul yihiin in la soo weeraro, in ka badan inta ay u nugul yihiin Blockchain-nada waa-weyn ee in badan jiray.
Mar kasta oo ay Blockchain-tu tahay mid daafaha dunida ku baahsan, waa mar kasta oo ay adag tahay in la soo weeraro, ama uu dhaco 51% Attack.
Blockchain si ay u noqoto wax Immutable ah, waa in ay sidoo kale noqotaa wax gabi ahaanteedba madax-bannaan, oo daafaha dunida ku baahsan (Fully Decentralized), oo aysan jirin cid gaar ah, oo haysata kala badh-oo-badh awoodda shabakadda, iyo wax u soo dhaw toonna.
Sidaa darteed, hadii aysan Blockchain-tu ahayn mid Fully Decentralized, oo gacanta lagu hayo awoodda shabakadda inteeda badan, waxaa suuragal ah in aysan Blockchain-tu noqon wax Immutable, maxaa yeelay waxaa gacanta lagu hayaa awoodda shabakadda inteeda badan.
Blockchain waa Immutable, jeer ay tahay Fully Decentralized, oo aysan cid gaar ah gacanta ku dhigin awoodda shabakadda 51% amaba ka badanba, xittaa hadii ay yihiin aasaasayaasha.
Si kooban, Immutability waa xog aan sideedaba wax laga bedeli karin, mar hadii la diiwaan galiyo.