✓ Hash = Isku-qasid/Jajabin
✓ Rate = Cabbir
Waa “Cabbbir Cabbiraya Inta Hash Uu Qalabku Awoodo Ilbiriqsigii”
Qeexid: Waa Maxay “Hash Rate”?
Ereyga “Hash” ayaa ka dhigan, ama la micno ah wax la isku-qasay, ama la isku mil-miyay, waxaana qarniyadii hore loo adeegsan jiray cuntada, ka hor inta aan IT-ga iyo tignoolajiyadda loo adeegsan, iyadoo la odhan jiray “Hashing Food“, oo la micno ah cuntadii ama hilibkii waa la shiiday, ama waa la ridqay, halka “Rate” uu u taagan yahay cabbir, ama hal-beeg wax cabbira.
“Hash Rate” ama qaab qoraalkan kale “Hashrate” waa cabbir cabiraya inta Hash ee uu qalabku ama kumbiyuutarku samayn karo ilbiriqsigii.
Ugu horrayn aynu Hash-ku wuxuu yahay ogaano…
Hash: Waa hab xogta lagu maldahayo, oo lagu dadayo, oo wax la fahmi karo sida erayga “SAMAAN” looga dhigayo wax aan la fahmi karin sida “158859C74E2A289………5FB96AD45E”, kaasoo u taagan summad ama astaan u gaar ah ereyga “SAMAAN” si la mid ah “Cryptography“, laakiin ku kala duwan dhinacyo dhowr ah.
Hash waa natiijo ka dhalata markii xog la bedelo oo la marsiiyo hab gaar ah, oo loo yaqaan “Hash Function“, kaasoo ah habka ama nooca mishiinka bedelaya xogta.
Sida ay mishiinada cuntada ama sharaabka ridqa ama shiida ay u kala duwan yihiin, oo midba natiijo gaar ah uu ku siinayo, ayay sidoo kale hababka loo bedelo xogta ama qaababka la adeegsanayo in lagu bedelo xogta ay u kala duwan yihiin, laakiin ka qaacido ahaan way siman yihiin, waana tan qaacidada ama xeerka ay marayaan:
- Data → Hash Function → Hash
- Xogta → Habka ama nooca la adeegsanayo si loo bedelo xogta → Natiijada Hash-ka
Habkan Hashing-ka ah ayaa lagu ogaadaa runimada xogta, iyadoo la sii marsiinayo hab ama qalab, amaba nooc ka mid ah noocyada Hashing-ka, taasoo nasiinaysa qiimo go’an, oo leh dherer ga’on, sida:
“SHA” oo laga soo gaabiyay “Secure Hash Algorithm“, oo ah hab ama nooc ka mid ah noocyada Hash Function-ka, kaasoo isagu noocyo u sii kala baxa:
- SHA-1
- SHA-256 (Waana tan ay Bitcoin adeegsato)
- SHA-384
- SHA-512
Iyo qaar kale, sida:
- MD5
- Scrypt
- Argon2
- Iyo noocyo kale oo badan
Dhammaan noocyadan ama hababkan waa habab xogta u bedelaya wax aan la fahmi karin oo tiro iyo xarfo ah, mid kastana wuxuu leeyahy xawaare, heer amni, iyo dherer u gaar ah, mid walibana shaqo gaar ah buu ku habboon yahay.
Hadii aynu tusaale ahaan u soo qaadano ereyga “SAMAAN“, kaasoo ka kooban xarfo waa-weyn, waxaan helaynaa:
- "SAMAAN" ➝ SHA-1 ➝ fb25a761b1111b1a44fce33dcf165bb0ee52fcaa
- "SAMAAN" ➝ SHA-256 ➝ 158859c74e2a28992882b579e8ea2800f1e4744bf06ca18481a4cf5fb96ad45e
- "SAMAAN" ➝ SHA-384 ➝ ab52b3cda4b327e16cf4739a7eff54ae7020d9c10b146ed34333f1aa960ebd161c0fa5edb63c92a370b90f2c034595b0
- "SAMAAN" ➝ SHA-512 ➝ db5bf100b16092b73b98ccb07781a43565dac2a1e99961fcd7157bd473612e8eb046cdf85100e9e40c4a5afc7281aa39e5672e6cc832463b6eac3c1fc487e240
- "SAMAAN" ➝ MD5 ➝ 02b1dbb4f3e1f217cde3bee66b995858
- …
Hada waa isla ereygii, laakiin waa kala natiijo, iyadoo ay ugu wacan tahay habka ama nooca ama Hash Fucntion-ka la adeegsaday.
Haddaba hadii uu Hash-ku yahay hab xogta lagu dadayo, Hashrate-kuna waa cabir lagu ogaanayo inta Hash ee uu qalabku ama kumbiyuutarku awoodi karo inuu sameeyo ilbiriqsigii.
- Hashrate = Number of Hashes that can be calculations per second
- Hashrate = Tirada Hashes ee la samayn karo ilbiriqsigii
TS, hadii uu kumbiyuutarkaagu ama qalabkaagu awoodu inuu sameeyo 100 TH/s, waxay taasi ka dhigan tahay inuu samayn karo 100,000,000,000,000 H/s, (100 tirilyan oo Hash ilbiriqsigii).
Hal-beegyada Hash Rate-ka:
- 1 KH/s (Kilohash) waa 1,000 H/s (Hash Per Second).
- 1 MH/s (Megahash) waa 1,000,000 H/s (Hash Per Second).
- 1 GH/s (Gigahash) waa 1,000,000,000 H/s (Hash Per Second).
- 1 TH/s (Terahash) waa 1,000,000,000,000 H/s (Hash Per Second).
- 1 PH/s (Petahash) waa 1,000,000,000,000,000 H/s (Hash Per Second).
- 1 EH/s (Exahash) waa 1,000,000,000,000,000,000 H/s (Hash Per Second).
Hashrate-ku kaliya wuxuu muujinayaa awoodda kumbiyuutarkaaga ama qalabkaaga uu u leeyahay Hashing-ka.
Hadii aad eegto Hashrate-ka guud ee Bitcoin, ma marayso tirilyan, mana marayso kuwantirilyan, ee waxay wakhti xaadirkan maraysaa kuwiintirilyan.
Wakhti xaadirkan Hashrate-ka Bitcoin waa 878 EH/s, (goorta la diiwaan galiyay waa 10/Jun/2025). Waa tiro qayrur-macquul ah, wayna sii kordhaysaa marba marka ka danbaysa.
Taasi micnaheedu waa in hadii loo baahdo in Bitcoin la jabsado, ama wax laga bedelo amaba la faragashadaba, waxaa loo baahanayaa awood dhan awoodda Hashrate-ka Bitcoin, ama kala badh.
Si kooban, Hashrate ama Hash Rate waa isla halkiiyee, waa hal-beeg cabbiraya inta Hash uu awoodo qalabku ilbiriqsigii.