Decentralized Applications (DApp/dAPP):

Qeexid: Waa Maxay “Decentralized Applications (DApp/dAPP)”?

Ereyga “Decentralized” wuxuu u taagan yahay wax aan lahayn xaruun dhexe oo laga maamulo, oo si iskii ah u madax-bannaan, waana ka soo hor jeedka ereyga “Centralized” oo markii hore ka yimid “Center” oo ah “Dhex“, halka “Application” uu u taagan yahay barnaamij ama code la diyaariyay, si uu u fuliyo hawl gaar ah.

Decentralized Application: oo loo soo gaabiyo “DApp” maraka qaarna “dApp” waa Application-no ama barnaamijyo aan lahayn xaruun dhexe oo laga maamulo.

Waa Application-no daahfuran (Open Source) oo ay cid kaste arki karto waxa ka dhex socda, oo daafaha dinida ku fidsan, oo aysan jirin cid gaar ah oo maamuli karta, ama wax ka bedeli karta, amaba tirtiri karta gabi ahaanteedba.

Waayo waxay ku dhisan yihiin Blockchain, sida aynu ognahayna mar hadii wax lagu diiwaan galiyo Blockchain way adag tahay in wax laga bedelo ama la tirtiro gabi ahaanteed, amaba si guud la fara galiyaba.

Haddaba sidee loo maamulaa, loona maareeyaa, ileen waxaynu soo nidhi waa Application-no ku dul dhisan Blockchain, taasoo aan lahayn xaruun dhexe.

Aynu in yar dib u yara noqonno, Application-nada aan Decentralized-ka ahan waxaa lagu kaydiyaa kayd gaar ah (Server) oo leh xaruun dhexe oo laga maamulo, haday noqon lahayd in wax laga bedelo ama la sii horomariyo, amaba Application-ka la tirtiro gabi ahaantii.

Sidaa si ka duwan ayaa loo maareeyaa, loona maamulaa DApp-yada ama Application-nada aan xaruunta dhexe lahayn, halkaas oo lagu maamulo code-dad hore loo qeexay iyo hishiisyo si iskood ah u fulaya oo loo yaqaan “Smart Contract“, waxaana lagu kaydiyaa Blockchain, oo ah diiwaan baahsan, oo furan, oo ay cid kasta daalacan karto, oo “Decentralized” ah

Decentralized-kuna: Waa maamul baahsan, awood qaybsan, go’aan-dajin loo wada dhan yahay, hanaan aan kala sarrayn lahayn, waana wax aan lahayn xaruun dhexe, oo laga maamulo, oo loogu soo hagaago, hasa yeeshee ah wax si iskii ah u madax-bannaan.

Sidoo kale, hadii la rabo in la sii horomariyo ama wax laga bedelo Application-ka waa in si wada jir ah dhammaan xubnaha shabakada ama badankood ay isku raacaan oo ay aqbalaan is bedelkaaas, si uu u hirgalo, waana waxa loo yaqaan “Consensus Mechanism“.

Qaar ka mid ah DApp-yada waxaa lagu maareeyaa nidaam ama hannaan loo yaqaan DAO, oo laga soo gaabiyay “Decentralized Autonomous Organization“, oo ah urur madax-banaan, isla mar ahaantaana aan saldhig ama maamul dhexe lahayn.

DAO: Waa urur aan lahayn maamule, hogaamiye, iyo agaasime toonna, taa bedelkeeda waa urur ay awoodiisa maamul u qaybsan tahay dhammaan xubnaha ka tirsan ururka.

Decentralized Applications-yada ama DApps-yada ayaa la maareeyaa, lana maamulaa iyadoo la adeegsanayo Smart Contract, DAO, Consensus Mechanism, iwm, waxaana sal u ah tignoolajiyadda aan innaba caadiga ahayn ee Blockchain.

Decentralized Application ama DApps-yada markii la joogo, ma jirto cid leh awood maamul, sida shirkadaha oo kale, oo leh maamulka sare, maamulka dhexe, iyo madaxa maamulka hawlgalka ee loo yaqaan CEO, iwm, sidoo kale ma la awoodi karo in la joojiyo Application-kaas, sababtoo ah waa Application fidsan, oo daafaha dunida ku fidsan. 

Si kooban, DApp waa nooc ka mid ah Applications-yada aynu adeegsano ee aynu naqaano, laakiin se ah kuwo aan xaruun dhexe ama maamul dhexe lahayn.

Ku deeq Bitcoin

Ku deeq hagan ama qaamuuskan wixii aad awoodo, si loogu hormariyo, isla mar ahaantaana uu muddo badan u sii jiro.

bitcoin ereyo-crypto-yahan

1FadvD3xfKjnphamTHe9Tpfc7SyyNvjFzb

Xasuusin
& Baraarujin

Hagahan ku dhawaad 40 erey ayaa wakhti xaadirkan ku jira, bil kastana ilaa tobaneeyo erey baynu ku soo biirinaynaa, ilaa ugu danbayntii koobsano dhammaan erey-bixinada Crypto-da.

Hadii ay tahay markii ugu horraysay ee aad soo booqatay hagahan, waxaan kugu baraarujin lahayn in hagahani uu yahay mid il furan (Open Source).

Waxaana si madax-bannan loogu adeegsan karaa ganacsi ahaan iyo wax-barasho ahaanba (Educational), hadii aydu rabtaan faahfaahin intaa ka dheeri ah booqda bogga "Xog & Xeer".

Hadiise kalena gujin badhankan kuu muuqda ee "Xidh (Close)".