✓ Smart = Garaad Badan
✓ Contract = Hishiis/Qandaraas
Waa “Hishiis Ama Qandaraas Si Iskii Ah U Fula”
Qeexid: Waa Maxay “Smart Contract”?
Waa hishiis si iskii ah u fulaya, markii la buuxiyo, ama la gaaro shuruudihii ama waxyaabihii lagu hishiiyay.
Smart Contract: Waa hishiis aan u baahnayn cid dhex-dhexaadiye ah, sida nootaayooyinka oo kale, waa hishiis si madax-banaan u fuli doona.
Waa hishiis hadii mar la galo aan laga gorgortami karin, aan wax laga bedeli karin, aan dib-u-habayn lagu samayn karin, aan la faraglin karin, iyo sidoo kale aan laga noqon karin.
TS, qof ayaa bank dayn ka qaatay, bank-giina wuxuu qofkii kula hishiiyay in uu deenta ku bixiyo muddo cayyiman gudaheed, hadii ay taasi dhici waydana uu bank-gu qaadan doono dhul uu markii hore rahan ahaan u dhigay.
Hadaba hadii dayn qaatihii uu ku guuldarayto in uu iska bixiyo dayntii, bank-gii wuxuu awood u leeyahay in uu dhaqan-galiyo hishiiskii, sidoo kale waxaa bangigii u furan in uu hishiiskii wax ka bedelo, isagoo muddo kordhin u samayn kara, ama dayntii qeyb ka mid ah dhimi kara, amaba kawada dhaafi kara.
Hasa yeeshee, hadii hishiiskan la galo iyadoo la adeegsanayo “Smart Contract”, dayn qaatihiina uu ku guuldarayso inuu iska bixiyo dayntii, muddadiina la gaaro, waxaa markiiba mulkiyada dhulka la wareegaya bank-gii, iyadoon xitaa aan ogaysiis, ama digniin la sii dirin.
Mar hadii hishiiskan la galo iyadoo la adeegsanayo “Smart Contract” marnaba suuragal kama ah in dib looga noqdo, ama muddadii hishiiska la kordhiyo, ama dayn qaatihii wax laga dhimo, amaba si guud la faragliyaba.
Smart Contract ayaa ah hishiis si iskii ah u fula, kadib markii la buuxuyo shuruudihii lagu hishiiyay, kaasoo code ahaan u qoran.
Shuruudaha iyo xeererka hishiiska ayaa “Code” ahaan loo qoraa, kadibna waxaa lagu daabacaa blockchain-ka, mar hadii la daabacana, way adag tahay in dib loo faragaliyo, oo wax laga bedelo.
Maxaa yeelay Blockchain-ku waa diwaan baahsan, oo daah-furan, oo leh nuqulo badan, hadii la damcana in wax laga bedelo, waxaa lagu khasbanaanayaa in nuqul kasta oo ka mid ah diiwaanka la bedelo, taasoo u muuqata mid aan sinnaba ku suuroobayn, gaar ahaan hadii ay shabakadu tahay shabakad aad u weyn oo baahsan.
Si guud hishiiskaas wuxuu noqon doonaa mid dhaqan-gala oo fula, hala diido ama hala doono, hala jeclaysto ama hala necbaysto.